Dhageyso:-Saldhig Booliis oo lagu Xaqiijin doono Amniga Qaxooti Yamaniyiin ah oo Xariga laga jaray(Warbixin)

Saldhigaan oo ah mid Cusub ayaa waxaa laga hirgeliyay  Bariga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Maamulka Puntland kaas oo noqonaya Saldhigii Lixaad ee laga dhiso Magaalada  Boosaaso.

Munaasabad xariga looga jarayay Saldhigaan ayaa waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Bari Duqa degmada Boosaaso iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’adda IOM,oo bixisay qarashka ku baxay dhismaha Saldhiga.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo,oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Saldhigaan uu wax badan ka tari doono amaanka dadka barakayaaasha ah ee isugu jira Soomaali iyo Qaxooti u dhashay dalka Yaman kuwaas oo ku jira Xerooyin ku yaala Bariga Magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in Saldhigaan uu yahay mid horseedi doona isdhexgalka Bulshada ah islamarkaana ay ka howlgelli doonaan Ciidamo ka mid ah dadka deegaanka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Bari

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media