Sawirro:-Wasiir Xoosh,oo Caawa Kismaayo ku hoyana iyo kulamo ka socda Madaxtooyada Jubbaland

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

“Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media